Ciidamada Itoobiya oo xalay lagu weeraray Gobolka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degaanka Halgan ee Gobolka Hiraan ayaa ay sheegaya in Xalay  uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyey Ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo dagaalyahan hubaysan katirsan ururka AL Shabaab.

Dagaalka ayaa dhacay markii Al-Shabaab weerareen Saldhig ay Ciidamada Itoobiya deegaankaasi ku leeyihiin,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo socday.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in ay maqlaayeen dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo Xalay ku dagaalamay degmada Halgan oo ka mid ah deegaanada hoostaga gobolka Hiraan ee Koonfurta Soomaaliya.

Sida la s sheegayo waxaa  jira khasaaro dhimasho iyo dhawaac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Wararkii ugu dambe ee haatan naga soo gaaraya deegaanka Halgan ee Gobolka Hiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Gumaysiga Itoobiya  ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.