Ciidamada Itoobiya oo raaligalin bixiyay, sheegayna in ayan faraglin doonin doorashada Jubbaland

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo labadii asbuuc ee la soo dhaafay ay ciidamada Itoobiya sameeyeen dhowr iskuday oo ay doonaynayeen in ay kula wareegan goobo muhim ee ku yaala magaalada Kismaanyo gaar ahaan garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka hor yimid hogaanka, ciidamada iyo shacabka reer Jubbaland oo isku duuban.

Ciidamada Itoobiya oo ay tiro kooban ka joogto magalaada Kismaanyo ayaa waxa laga soo amray Villa Soomaaliya oo dhaqaale badan ay ka qaateen taliska ciidamada Itoobiya kuwaas oo lagu amaray in ay la wareegaan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaanyo si xubno ka socda dowlada Fedaraalka ay xoog uga soo dagaan Kismaanyo.

Kulankii maanta dhex maray taliyaha guud ee ciidamada AMISOM Janaraal Tigabu Y. Wondimhunegn  iyo madaxda Jubbaland ayaa looga hadlay dhaq-dhaqaaqa ciidama Itoobiya, Taliyaha oo ay shirka ku wehliyeen saraakiil Itoobiyaan ah ayaa cudur daar iyo raali galin ka bixiyay qaladkii ka dhacay magaalada Kismaanyo.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee hoosyimaada taliska AMISOM ay ku ekaan doonaan xaruumahooda isla markaana ayan wax faragalin ah ku samayn doonin doorashada ka dhici doonta Jubbaland mudo ka yar sadax asbuuc.

Taliyaha oo ku hadlayay guud ahaan magaca AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya oo uu isagu ka tirsan yahay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku ekaan doonaan  xaruumahooda isla markaana ay u hogaansami doonaan amarka ka yimaada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Taliyaha ayaa ka dhawaajiyay in uu aad uga xun yahay dareenka nacaybka ku dhisan ee ay kala kulmeen shacabka reer Jubbaland. Waxa uu yiri “..Ciidamada Itoobiya ayaa cabsi kala kulmay shacabka reer Jubbaland iyaga oo ka baqay in dagaal laguqaado”. Waxa uu intaas  ku daray “anaga waxaan walaalo la nahay shacabka reer Jubbaland nabadooda ayaan rabnaa, waxaana iska ilaalinaynaa wax kastaa ee dhib u keeni kara nabadaas”.

Hogaanka Jubblanad ayaa maanta si qasab ah ku baajiyay mudaharaad looga soo horjeedo Imaatinka taliyaha AMISOM iyo guud ahaan ciidamada AMSIOM. Mudaraharaadkaas ayaa waxa uu ahaa mid shacabka Jubbaland iyagu soo abaabuleen.

Maanta waxa  uu  taliye Tigabu Y. Wondimhunegn  soo xiray rajadii Farmaajo ka qabay in Axmad Madoobe loo soo xiro ama uu of uu isaga wato madaxweyne ka noqdo Jubbaland.