Ciidamada Itoobiya oo lagu-weeraray deegano katirsan Gobolada-Bakool-&-Bay

Al-Qaeda linked al-shabab recruits walk down a street on March 5, 2012 in the Deniile district of Somalian capital, Mogadishu, following their graduation. The walls of the former Shebab base in Baidoa, Somalia, are littered with rudimentary drawings of machine guns and tanks, a note reading "Fear God, don't write on these walls" and a sketch of an Al-Qaeda flag, homage to the rebel group's international allies. The crumbling building is now occupied by Ethiopian troops who nearly two weeks ago forced Shebab rebels out of Baidoa, their former Shebab stronghold and Somalia's third-largest city. AFP PHOTO/Mohamed ABDIWAHAB (Photo credit should read Mohamed Abdiwahab/AFP via Getty Images)
Reading Time: < 1 minute

Sadaxdii maalin ee la soo dhaafay waxaa weeraro gaadmo ah lagu qaady ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Gobolada Bay iyo Bakool. labo cesho kahor ayaa ay ahayd markii kolonyo ciidanka Itoobiyaan ah qarax lagula beegtay deegaanka Bardaale, kaas oo ay ka dhatalay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale wararka maanta naga soo gaarayo degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Al Shabaab iyo ciidamo katirsan milatariga dowladda Itoobiya.

Sida aan wararka ku helnay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca xuduuda dalkaasi, kuna sii jeeday dhinaca degmada Waajid  ayaa lagu weeraray deegaanka Boocco oo ku dhaw degmada Rabdhuure.

Dagaal culus oo u dhaxeeya labada dhinac ayaa ka socda duleedka Rabdhuure, dadka deegaanka ayaana ku waramaya in ay maqlayaan hubka culus ay is dhaafsanayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa kooxda Al Shabaab.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab, waxaana wali aaga dagaalka ka socdo laga maqlayaa hub culus.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooba  uu soo dhigay ku sheegay in kooxda Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda duleedka Rabdhuure.