Ciidamada Itoobiya oo dhibaatooyin xoogan u geeystay Shacab ku nool Buur-hakabo

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka aynu ka heleeyno Degmada Buur-hakabo  ee gobolka baay  Ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi ayaa waxaa ay dhibaatooyin xoogan u geeysanayaan dadka shacabka ah.

Malaaq Maxamed ooka hadlay arintaani ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamadaasi ay jirdil joogto ah geeysanayaan islamarkaana aanu jirin cid la hadli karto.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ay jiraan dad badan oo sabab aan la ogeeyn ugu xiran Ciidamada Itoobiya kuwaasi oo ganacsato u badnaa.

Arinta yaabka leh ee uu ka dhawaajiyay Malaaqa ayaa ah in mararka qaar ay dad u garaacaan maxaad igasoo eegtay.