Ciidamada Ilaalada Dowlada Hoose ee Xamar oo gaystay toogasho naxdin leh

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada ka haaya Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in afaafka hore ee Xarunta ay ku dileen Canug yar oo aan qaan gaarin.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xarunta Maamulka Gobolka uu ku eedeeyay Canuga yar inuu ka xaday Mobil, isla markaana markii dambe rasaas uu ku furay,  sidaasina uu ku dhintay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Meydka Canuga yar goobta uu falka ka dhacay ay qaadeen dad shacab ah oo xiligaas goobta ka Agdhawaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer Ciidanka dowladda Fedeeraalka Soomaaliya ay ku dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyo dhalinyarada ku shaqeysata Moota Bajaajta.