Ciidamada Hirshabeelle Oo Dilay Xasan Maxamed Xasan

Reading Time: < 1 minute

Wararkii ugu danbeeyay askari katirsan ciidamada maamulka Hirshabeelle oo wiil dhalinyaro ahaa ku dilay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.

Dilka ayaa yimid kadib markii gargaar raashin ah oo dowladda Cummaan ugu talagashay in loo qeybiyo dadka ku tabaalaysan degmada ay isku dayeen shacabka iyo qaar kamid ah ciidamada iney boobaan, balse waxii xiligaa ka danbeeyay askari katirsanaa ciidamada goobta u sugnaa uu furay rasaas xoogan.

Goobjooge ku sugan Degmada Jowhar ayaa sheegay in askarta ay dileen Xasan Maxamed Xasan oo kamid ahaa dhalinyarada magaalada, kadib markii goob raashin laga qeybinayay uu buuq soo kala dhax galay askarta iyo shacabka degmada, taasina ay sababtay in ciidamada ay fureen rasaas xoogan taasi oo sababtay dhimashada wiilka dadka deegaanka ahaa.

Maamulka degmada jowhar oo xiriiro aynu la sameynay ayaa suura galin sababa la xiriira ineysan ka jawaabin taleefanadoodii aynu kala xiriirnay, si  aan wax kaga weydino waxii ka dhacay Jowhar.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!