Iyada oo labo cesho ka hor dad masaakiin ah lagu xasuuqay magaalada Gaalkacyo ayaa ciidamada amaanka Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay xalay ka bilaabeen baritaano xoogleh guud ahaan xaafadaha dhinaca Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Xaaf ayaa amray in baaritaano buuxo la sameeyo isla markaana la xaqiijiyo in dadkii falka xun gaysaty ayan ka bixin magaalada Gaalkacyo. Ciidamada ayaa la sheegay in habeeenkii xalay ahaa ay guri guri u galayeen xaafadaha koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Waxaa kaloo la sheegay in ciidamadu ay dadka qaar weydiinayeen aqoonsiyo iyo sidoo kale cida taqaana, waxaana wali lasoo warin cid si rasmi ah loogu soo qabtay howlgaladaas.
Talabaan oo ay qaaday Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa timid ka dib makrii Saraakiisha amaanka gobolka mudug ee Galmudug oo shalay warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa sheegay in ay qaadi donaan howlgal weyn oo ay ku baacsanayaan koox habeyn ka hor duleedka Gaalkacyo isku meel ku dishay ilaa 10 ruux oo rayid ah, waxaana la sheegay in dadkaasi ladilay ay dhamaantood kasoo jeedeen gobolada koonfureed.