Ciidamada Eriteriya oo la shaaciyay xiliga ay iman doonaan Muqdisho (Xog Muhiim ah)

Reading Time: 2 minutes

Sida laga soo xigtay afhayeenka taliska ciidamada Eriteriya (EDF) waxaa horraanta sanadka 2019 lagu wadaa in ciidamo ka socda dalka Eriteriya ay soo gaaraan magaalada Muqdisho. Tirada ciidamada la keenayo aya la sheegay in ay gaarayaan ilaa 8000 kun balse horraanta sanadka foodda nagu soo hayo la keeni doono ilaa 3000 oo isuga jira ciidamada kumaandooska iyo saraakiil.

Madaxweyne Aferwki markii uu yimid magaalada Muqdisho toddobaadkii hore aya waxaa safarkiisa ku wehliyay 25 sarkaal kuwaas oo sameyn doono qiimeyn inta aan la keenin ciidamada bilowga bisha soo socota.

Ciidamadan ayaa lagu wada in ay la wareegi doonaan amniga gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir. Ciidamda Burundi oo hadda ku sugan Gobolka Sh. Dhexe aya isaga bixi doona gebi ahaanba Soomaaliya bilowga bisha Maarso ee sanadka soo socda 2019.

Itoobiya aya maalintii shalay kala baxday ciidankeeda xuduuda ay la wadaagto Eriteriya, labada ciidan Itoobiya & Eriteriya ay is dhaafsaday calamada labada dal. Ciidamadan ayaa lagu wadaa in ka mid noqdaan kuwa la keeni doona Soomaaliya.

Mushaarka ciidamda Eriteriya aya waxaa kafaala qaaday bixintooda dowladaha Sucuudiga & Imaaraadka

Dad u dhuun duleela siyaasadda Soomaaliya aya sheegay in keenida ciidamada Eriteriya aay Soomaaliya gelin doonta xaalad halis ah, waxaana la sheegay in ay tani fursad siin doonto kooxda Al Shabaab. Shacabka Soomaaliyeed aya gebi ahaanba diidan in la keeno ciidadama Eriteriya iyo Itoobiya, waxaana dadka ay aaminsan yihiin in ciidankan aanan loo keeneyn in ay la dagaalan Shabab, balse la rabo in lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed si xukunka si xoog ah uu u sii haysto MW. Farmaajo.