Ciidamada Dowladda oo weli wada dhibaateynta darawalada kaxeeya mooto bajaajta

Magaalada Muqdisho maalmahan waxaa ku soo batay dilalka Ciidamada ammaanka ay u gaysanayaan dhalinyarada kaxeysa Mootooyinka Bajaajta ee Magaalada ka dhax shaqeysta.

Dilkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay shalay, kadib markii meel ku dhaw Isgoyska Sanca lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo watay Mooto Bajaaj, kaasi oo dilkiisa uu ka dambeeyay askari ciidanka dowladda ka tirsan.

Dhalinyarada wadata Mooto Bajaajta ayaa ka cabanaya dilalka joogtada ah ee ay kala kulmaan Ciidamada ammaanka.

Mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo lagu Siciid Cali ayaa u sheegay Dhacdo.com inay cabsi ka qabaan askarta dowladda meel kasta oo ay ku arkaan, maadaama Ciidanka si macno la’aan ay isaga dilaan Wadayaasha Bajaajta.

“Ciidamada aragooda ayaanba ka carari rabnaa, maadaama dilal joogto ah ay noo gaystaan waxaan macno laheyn ayeey dadka ku dilaan xabada ayaa ka horeyso.” Ayuu yiri Bajaajlahaasi.

Koontaroolada Ciidanka ay joogaan ayaa waxaa ka dhaca tacadigaasi dilalka bareerka ah ee ay u gaystaan Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta xilli Ciidamada looga digay dilalka ay u gaysanayaan shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here