Ciidamada Dowladda oo looga digay dhibaateynta Shacabka

Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ka hadlay deegaan ka tirsan Degmadaasi oo ay shalay la wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in Ciidamada dowlada ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka lagu magcaabo Ceel la helay oo ka tirsan degmadaas,isagoo baaq u diray Shacabka.

Maxamed Macalin ayaa Shacabka ku dhaqan Xudur ugu baaqay inysan sameeyn Barakac,isla markaana loo baahan yahay in ay la shaqeeyan Ciidamada dowlada si loo sugo amniga degmada.

Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Ciidamada dowlada Faray in ay shacabka la shaqeyaan,isagoona kula dardaarmay in aan dhibaato loo geysan shacabka,maadaama ay yihiin dad xoolo dhaqto ah.

Deegaanka Ceel la helay oo ka tirsan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxaa shalay la wareegay Ciidamada dowlada Soomaaliya,halkaasi oo ku sugnaayeen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here