Ciidamada dowladda oo la wareegay degmada Aadan-yabaal

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanay kuwa degaanka ayaa la wareegay  Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo muddo sanado ah ay gacanta kuhayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa banaanka degmada, iyaga oo ka cabsi qabay inay waxyeeleeyso qarax miino oo ay meelaha qaar ku aaseen Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Ciidamada ay sibadgelyo ah kula wareegeen degmada, kadib markii Al-Shabaab ay maalmo ka hor isaga baxeen.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Risaala waxaa uu sheegay in Ciidamada ay hadda howlgallo guud ka wadaan xaafadaha degmada Aadan-yabaal ,isla markaana uu sii socon doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.