Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose saakay oo Jimco ah, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya howlgallo ballaaran ka wadaan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose iyo deegaanno kale oo deegaankaasi hoostaga.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka ay ku faafeen deegaannadan, kadib markii shalay halkaasi ciidanka DFS lagula eegtay qaraxyo.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan oo aynu xiriir la sameennay waxa ay ka gaabsadeen iney faah faahiyaan howlgallada ay wadaan, welina lama oga in ay dad kusoo qabteen iyo in kale.
Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada dalka ee amni darrada ay ka jirto, waxaana ka dagaallama deegaanno ka mid ah gobolkaasi Al-shabaab.