Ciidamada Dowladda oo Howlagalo Ka Sameeyay Qeybo Kamid Ah Degmada Yaaqshiid

Reading Time: < 1 minute

Howlgalkan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxa ay Maanta ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada yaaqshiid ee gobolkan Banaadir halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal amnidarro.

Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafadaha ku teedsan Suuq Bacaad iyo Xaafado kale,waxana la sheegay in lagu qab qabtay dad dhalinyaro u badan.

Dadka Degaanka Qeybo Kamid Xaafadaha Suuq Bacaad ayaa inoo Sheegay In Ciidamada Howlgalka Sameynaya ay Qabteen Dhakinyaro Farbadan oo Ay Ka Shakiyeen Saldhigyada ay ciidanku leeyihiin si baaritaan loogu sameeyo.

Howlgalka Socday ayey Dadka Degaanka Inoo sheegeen inuu saameeyn ku yeeshay Dhaqdhaqaaqyadii kala duwan ee Ka shqeyn jiray Xaafadaha Baaritaanada laga sameynayay

Shalay ayey aheeyd markii ciidamada Dowladda ay agagaarka laanta suuq Bacaad ku dileyn nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana Isgoyska Darjiinka ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.