Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dib ula wareegen deegankaasi 30km ujira Magaalada Baydhabo oo shalay qabsadeen dagaalyahano mka tirsan Al-shabaab.
Dagaalyahano ka tirsan Al- shabaab ayaa shalay la wareegay deegaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay kadib marii ay halkaasi isaga baxeen Diidamada Dowlada ee ka hawlgali jiray deegaankaasi, waxaana la sheegay in Al-shaab ay dab qabadsiiyen fariisimo ay ciidamada la haayen iyo Isibitaalka deegaanka Goofgaduud.
Saraakiil ka tirsan ciianka Xooga dalka ayaa inoo sheegay in Saakay deegaanka Goofgaduud ay ku baxeen ciidamada dowlada iyo kuwa ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayna dib kaga saareen dagaalyahandii ka tirsanaa Al-shabaab ay shalay deegaankaasi la waregay.
Dhaqa dhaqaayo ciidan ayaa laga dareemaya deeganka Goofgaduud oo ay wadaan ciidamada dowlada waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal dhexmaro dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo la soo sheegayo inay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Goofgaduud Buureey.