Ciidamada Dowladda oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan kawada Deegaano hoostaga Gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa hawlagallo ka dhan ah Al-shabaab waxa ay ka wadaa. deegaanno hoos taga dagmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Howlgalkan ayaa lagu doonayaa in lagu furo jidadka ay xireen Al-Shabaab ee ju yaalla duleedka degmada Balad-Xaawo oo go’doonsan.

Shalay gelinkii dambe ayaa Al-shabaab iyo ciidamada dowladda waxaa halkaasi  ku dhexmaray dagaal culus kadib markii ay Al-Shabaab wadada u galeen Gawaari uu la socday taliyaha amniga degmada Balad-Xaawo.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo  lagu furayo si isku socodka gaadiidka gobolka Gedo,madaama ay Al-Shabaab culeys saareen degmada Balad-Xaawo.

Laba maalin ka hor ayay Al-shabaab waxa ay weerareen degmada magaalada Baladxaawo,iyaga oo dilay Nabadoon magaalada caan  ka ahaa,kaa soo lagu Magacaabi jiray Dhaqane Iimaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!