Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al Shabaab oo Isku Hor Fadhiya Qeybo Kamid ah Gobolka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Warar soobaxaya ayaa sheegaya in xiisad colaadeed laga dareemaya duleedka Magaalada Beledweyne

Dad Ku nool duleedka magaalada beledweyne ayaa inoo xaqiijiyay in haatan xiisad colaadeed laga dareemayo maadama halkaasi ay isku hor fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa al shabaab lagana yaabo in halkaasi dagaal uu ku dhexmaro labada dhinac

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamada maamulka hirshabeellle kuwa dowladda oo garab ka helaya ciidama nabad ilaalinta u jooga soomaliya ee amisom ay halkaasi isku abaabulanayaan si ay deeganadaasi uga saaraan kooxda al shabaab

Geesta kale xiriiro aanla sameynay Talisyada maamulka hirshabeelle ayaan noo surtagelin inaan xogo ka weeydiino xiisada ka taagan duleedka magaalada beledweyne

Sikastaba ha ahaatee waxaa lagayaaba in dadka deegaanka ay sameeyaan barabax ku aadan dagaal halkaasi lagayaabo inuu ka qarxo maadaama ay dhexda kaga jiraan ciidama dowladda iyo kuwa al shabaab