Ciidamada Dowladda Iyo Amisom Oo Dib Ula Wareegay Degmada Balcad

Reading Time: < 1 minute

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya Degamada Balcad ayaa waxa ay sheegayaan in ay daqiiqado ka hor isaga bxeen degmada Balcad kooxda shabaab, isla markaana haatan ay dib magaalada ugu laabteen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Xaalada degmada Balcad ayaa hadda degan,waxaan jira qorsho lagu ogaanayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkii dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda iyo Shabaab.
Al-Shabaab ayaa maanta waxa ay weerar ku qaadeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay Gacanta ku hayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Dagaal kooban oo Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab marka hore ku dhexmaray duleedka degmadaas ayaa Al-Shabaab markii dambe ay la wareegeen degmada Balcad
Al shabaab aya burburiyay Xarumihii Maamulka degmada Balcad,maxaabiis Saldhiga ku xirneyd ayay siidaayeen,iyaga oo qaatay Idaacad Fm ah oo ku taalay degmada oo lagu Magacabi jiray Radio Balcad.