Ciidamada Dowlada oo xoog ku galay, albaabadana u xiray Masajid Al-Qadar ee Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Si ay sheegayaan  ilo lagu kalsoon yahay ciidamo Dowlada  ayaa albabada u xireen masajid ku yaala degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Ciidanka oo ku hubaysnaa hub culus ayaa si xog ah ku galay Masaajidka iyada oo uu masjidku xiligaa ay ka socotay cibaado Alle.

Dad goobjoogyal ayaa warbaahunta  madaxa banaan u sheegay in ciidamada dowlada ay shalay kusoo dateen Suuqa Bakaaraha, kadibna gudaha u galay masajidka Al-Qadar oo hore la orin jiray Masajidka Sheekh Axmed Sufi.

Ma jirto sabab ay sheegeen ciidanka Farmaajo oo  keentay in masjid cibaado ka socoto xoog lagu galo xili ay tahay Ramadaan.