Ciidamada Dowlada oo Wiil Dhalin Yaro Ah Ku Toogtay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya xaafada Carafaad ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in gordhow halkaasi ciidamo ka tirsan Dowlada ay ku tootgeeyn ruux dhalinyara.

Goobjooge ku sugan halka oo dilka ka dhacay oo aynu la hadalnay ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa xaafada carafaad ee degmada Yaaqshiid ay toogteen Ciidamo ka mid ah kuwa dowlada Soomaaliya.

Ciidamadii dilka geestay ayaa wali oobta ku sugan waxaana hakad ku jiro isu socodka dadka iyo gadiidka wadada warshadaha.