tan iyo magacaabistii jeneraal indha qarshe loogu magacaabay taliska ciidanka xooga dalka ayaa waxaa hoos u dhac weeyn uu ku yimid dagaal kii lagula jiray ururka al shabaab.
al shabaab ayaa deegaano badan oo dalka katirsan gacanta ku haya iyagoo sidoo kale weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya deegaanada ay gacanta ay ku hayaan ciidamada dowladda taasi oo ah mid walaac xoogan ay soo food saartay shacabka ku nool guud ahaan gobolada koonfurta iyo bartamaha soomaaliya
abaanduulaha ciidanka xooga dalka ayaa lagu amray ineysan ciidanka xoogga dalka aysan qaadi karin weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan ururka al shabaab taasi oo keentay in shacabka soomaaliyeed ay ogaadaan xaqiiqada jirta iyo in dowladda haatan jirta aysan rabin iney dalka ay ka sifeeyso ururka al shabaab.
sikastaba ha ahaaatee dowladda federaalka soomaaliya ayaa aad loogu dhaliilaa qaabka ay ula dagaalamaan dagaalamayaasha al shabaab maadaama dhamaan ay hakad ku jiraaan qorshayaashii ururuka al shabaab looga saari lahaa dalka