Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahan kuwa Danab in ay la wareegeen deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar.
Ciidamadda Danab ayaa gudaha u galay deegaanka kadib markii ay isaga baxeyn saakay aroortii Dagaalyaanadda Xarakadda Al-shaabab oo mudooyinkii dambe deegaankaas ku sugnaa.
Deegaanka Gamboole ayaa waxaa Saldhig ku lahaa Al-shabaab, iyagoo sidoo kale kulan kula qaadan jirey Ganacsadata Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in deegaanka maanta ay ku balansanaayeen ganacsatada Magaaladda Jowhar iyo hogaanka Xarakadda Al-shabaab.
Wararki ugu danbeyay aynu ka heleyno aya shegaya in ciidamda dowlada soomaliya ee la wareegay degankaasi ay dib ugu laabteyn deegankaasi kadib marki ay kala wareegeyn kooxda al shabaab.