Ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegtay in dagaalo iyo duqeymo ka fuliyeen saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kaban ee Waqooyiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiil ciidanka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay 10 kamida ururka Al-shabaab. Sidoo kale ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Deegaanada howlgalada laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Hela-shiid ee dhasheeg ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale Ciidanka ayaa burburiyay Saldhigyo ay Al-shabaab Ku leeyihiin galbeedka Hela shiid Ee Dhasheeg.
Weerarka ayaa lagu dilay 2 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab
Ciidamada Dowlada oo howlgalo ka sameeyay degaano ka tirsan Jubbada Hoose
Reading Time: < 1 minute