Ciidamada Dowlada oo Askari Bastoolad ku hubeeysnaa (Faah-faahin)

Wararka MOL ay ka heleyso Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi toogasho ka dhacday lagu dilay Askari ku hubeysnaa Bastoolad.

Dilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay bartamaha Magaalada,isla markaana waxaa askariga ku hubeysnaa Bastoolada oo la xusay in uu ka tirsanaa Al-shabaab u geystay Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Baardheere.

Dadka deegaanka oo la hadlay MOL ayaa u sheegay in askarigaas xiliga la dilayay uu gacanta ku watay Bastoolad,hayeeshee ay arkeen Ciidanka,sidaasina ay ku toogteen.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Xalay  waxaa lagu soo waramayaa in Ciidanka dowladda Soomaliya xaafadaha magaaladaas ay ka wadaan baaritaano lagu xaqiijinayo amniga,maadaama halkaas xiliyada qaar ay ka dhacaan falal amni darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here