Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada xogga dalka oo duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalkan ayaa ahaa mid ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ku aadan dagaalka dhex maray ciidamada dowladda iyo ururka al shabaab.
Ururka al shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday deegaano hoostaga degmada balcad wallow ciidamada dowladda ay ahaayeen kuwa marwalba ka gaashaantama weerarada al shabaab.
Sikastaba ha ahaatee dowladda haatan jirta ayaa u muuqata midku guul dareysatay iney la dagaalanto ururka al shabaab.