Ciidamada Dowlada FS oo dib ula wareegay deegaanka Ceel-lahelay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada dowlada oo maanta  dib ula wareegay  deegaanka Ceel-lahelay oo shalay waqti koobay ay Kooxda Al Shabaab qabsatay. Duqaymo culus oo cirka ah ka diba ayaa la xaqiijiyay in Al Shabaab isaga baxeeen xalay saqdhexe degaanka ceel lahelay.

Ciidamada dowlada ayaa haatan ka wada deegaanka Ceel-lahelay miina baaris iyo baadi goobka askar shalay looga soo tagay goobaha dagaalka iyo dad wali nolol iyo geeri la yahay.

Khasaaro xoogan ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalka alshabaab shalay ku qaadeen  deegaanka ceel lahelay ciidamada deegaanka gaar ahaan beesha duduble ayaa la xaqiijiyay inay ka geeriyooday ku dhawaad 10 askari halka danab la xaqiijiyau inay ka geeriyoodeen ilaa 5 askari.