Ciidamada DFS oo maanta wariyayaal jirdilay xabsigana u taxaabtay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada booliska Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay saxafiyiin tabinaayay isku so baxay ka dhacay mogdishu oo lagu dalbanayay in cadaalad hesho ikraan tahliil. Bashiir maxamuud oo barnaamij soo saare goobjoog ka tirsan ah iyo sawir qaade ka tirsan universal TV aya kamid ahaa dadka la xiray iyadoo jirdil loo gaystay.

Muuqaala laga soo duubay goobta banaabaxa ayaa muujinayo ciidamo ka tirsan Booliiska oo jirdil xoogan u geysanaya Wariye Bashiir Maxamuud. Ma aha markii u horeeysay uu Farmaajo u isticmaalo ciidanka dowlada in ay dhibaateeyaa  Saaxaafada, dhowr mar oo hore ayaa la dhibaateeyay saaxafadda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!