Ciidamada DFS oo rasaas ku furay mooto ay saarnaayeen dad Shacab ah

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu Rasaas ku furay Mooto ay saarnaayeen dad Shacab ah. Askariga ayaa la sheegay in uu Rasaas ku furay Mooto nuuca Bajaaj-ta oo ay saarnayeen Hooyo,Wiil ay dhashay iyo Darawalkii weday islamarkaaana uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dhanka kale Inta la xaqiijiyay waxaa Rasaastaas ku geeriyooday Darawalkii Mootada waxaana dhaawacyo soo gaareen Hooyo iyo Wiil yar oo ay dhashay oo saarnaa Moota Bajaajka la rasaseeyay. Dadka ku dhaawacmay rasaastaas ayaa loola carary xarunaha caafimaadka halkaas oo ila hadda lagu dabiibayo,iyada oo Gacanta lagu dhigay Askarigii falkaas geystay oo isku dayay in uu baxsado.