Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelada Dhexe dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay deegaano kamid ah degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeelada Dhexe, kaas oo uu dhexeeyay burcad hubeysan iyo ciidamada ammaanka ee degmadaasi.
Dagaalka ayaa dhacay, kadib markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob ay isbaaro u tiilay rag hubeysan, isla-markaana ay ku hayeen ku dhowaad ilaa 10 baabuur, si ay uga qaataan lacago baad ah.
Guddoomiyaha degmada Raaga Ceelle oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay iska hor imaadkaasi, wuxuuna sheegay inuu ka dhacay dhanka waddada marta xeebta, halkaas oo ay ku dagaalameen labada dhinac.