Ciidamada DFS ayaa sheegay inay la-wareegeen deegaano ka tirsan G/Mudug

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada dowladda oo shalay gekinkii danbe la wareegay degaannada Sargoniyo Qoqod ayaa saaka u ruiqaansaday dhanka Camaara, waxayna la wareegeen Bacaadweym iyo Qayda oo ay isaga beceen Alshabaab.

ciidamada ayaa kusii jeeda degmada Camaara ee hobalka Mudug oo ay xalay Alshabaab gayateen dhaawici iyo Maydadki ay ka qaadeen duqaymo iyo dagaal lala beegsaday.

Warar dheeraada ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa  Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara.
Wararka  ka imaananya deegtank Camaara  ayaa sheegaya in Al Shabaab ay hadda isaga carareen magaaladaas ka dib markii dhammaan difaacyadii magaaladaan ay ka ilaalinjireen lagu soo jabiyay. Ciidanka Xoogga dalka  ayaa hadda ku sugan daafaha magaalada, waxaana socda howlgallo sifayn ah.