Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Booliiska, Nabadsugidda, Guutada 14ka Oktoobar & kuwa howlgalka KMG ah Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howlgal wadajir ah ka billaabay Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed.
Howlgalkaan oo daba socday kulan ka dhacay Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka ayaa ujeedkiisu lagu sheegay in diiradda la saaro sidii la isugu furi lahaa isu gudubka Degmooyinka Gobolkaas.
Saraakiisha ka qaybgashay kulanka looga hadlay amniga Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo jeedisay in howlgal wadajir ah laga sameeyo deegaannada Gobolkaas ee isu socodkooda halista galay si nabadgalyada dib loogu soo celiyo.
Gaashaanle Cabdiraxiin Muuye, Taliyaha ururka 14aad, guutada 14ka October ee fadhigoodu yahay Degmada Marka ayaa Shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka si nabadgalyada ay u adkaato.
“Laamaha amniga, saraakiil ka kala socotay Booliiska, NISA & Guutada 14ka October ayaa kawada hadlay falalka ay sameyso kooxda argagixisada, waxaa go’aan wadajir ah laga qaatay Dad yar oo wax magarato ah oo qalqalgelinta amniga ka shaqeynaya, waxbaa noo muuqda haddii aynu nahay Hay’adaha amniga, Laamaha amniga waxa ay amar cad u qabaan in gacan bir ah lagu qabto cid weliba oo Amniga dhibaato ku ah” Gaashaanle Cabdiraxiin Muuye.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee DG Koofur Galbeed ayaa sheegay in diyaargarowga xooggan ee ka socda xarunta Gobolkaas ee Marka ujeedka ugu weyn ay ka leeyihiin uu yahay sidii dib loogu soo celin lahaa isu socodka Gaadiidka Magaalooyinka.