Sida ay sheegteen ciidamada Beesha Dhulbahante iyo ciidamada taakulada ee ka yimid degaanka Puntland hub culus ayaa ay ka qabsadeen ciidanka Soomaliland. In kabadan 5 saacadood oo xiriir ah ayaa dagaal culus ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka Laascaanood.
Dagaalka socda ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada. Ciidamada Somaliland ayaa duqeymo aan loo meeldayin ku garaacaya magaalada, kuwaas oo burbur baahsan u geystay guryaha shacabka Laascaanood.
Dadka deegaanka ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal iyo maxaabiis ay uga qabsadeen maamulka Somaliland dagaalka saaka. Wararka ayaana sheegaya in aagag cusub lagala wareegay ciidamada Somaliland.
Somaliland ayaa dhankeeda sheeganaysa guulo dagaal oo ay saaka gaartay, halka bilaabashada dagaalka ay ku eedeeysay ciidamada Puntland oo garabsanaya kooxo argagixiso ah.