Ciidamada Cusub Ee Wadooyinka Muqdisho lasoo Dhoobay oo Rasas Bareer ah ku Furay Gaari shacab ah iyo Qasaaro ka dhashay!!

Reading Time: < 1 minute

wararka aan ka heleyno degmada warta nabada ayaa sheegaya in ciidamo katirsan dowladda soomaaliya ay rasaaseeyeen gaari nuuca xamuulka qaada ah.

rasaasta ay ciidamada dowladda ku fureen gaariga ayaa dhalisay in gaariga uu dhaawac gaarsiiyo dadku sugnaa isgooyska cali kamiin oo ah halka lagu rasaaseeyay gaariga.

dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyeen in gaariga uu dhaawacyo aad u daran uu gaarsiiyay dad u kala gooshayay isgooska

sida ay dadka deegaanka noo xaqiijiyeen ilaa iyo 6 ruux ayaa dhawaac uu gaarsiiyay gariga.

laamaha amniga oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan arrinka iyagoo sheegay iney dib kala hadli doonaan warbaahinta.

sikastaba ha ahaatee xaalada goobta ay wax ka dhaceen ayaa ah mid haatan degan