wararka aanka heleyno suqa bakaaraha ee degmada howlwadaag ayaa sheegaya in ciidamada booliska ahaa ee sugayay amaanka suqaasi ay toogteen ruux dhac ka geysanayay halkaasi.
ruux la toogtay ayaa ku libisnaa dareeska ciidanka malateriga soomaaliya sidoo kale wararka soobaxaya ayaa waxa ay intaasi ay ku darayaan in ruuxa la toogtay ay la socdeen rag kale oo iyaguna isaga baxsaday goobta ay dhac ka geysan rabeen.
Ciidanka Booliska Ee Lagu Soo Daadiyay Wadooyinka Ayaa Dowladda Soomaaliya Waxa Ay Sheegtay Iney Kaga Gol Leedahay Xaqiijinta Amaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir
goobta uu dilka ka dhacay ayaa haatan waxaa ay ciidanka booliska ay ka sameynayaa howlgal ay ku xaqiijinayaan amaanka kagana hortagayaan kooxaha dhaca iyo dilka ka geysta suuqa bakaaraha ee degmada howlwadaag