Ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay shaqsi looga shakisan yahay inuu katirsan yahay Ururka Al Shabaab

Reading Time: 2 minutes

Howlgal xalay ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa waxa aay gacanta ku dhigeen waxyaaba laga shakiyay iyo Shaqsi watay.

Ciidamada oo garab ka helayay Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyeen  Xaafada Nageyle ee degmada Kaaraan,waxana la soo bandhigay,waxyaabo ay ka mid yihiin Taleefoono,Fiiloyin la isku xir xiray iyo Agab kale oo laga shakiyay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa u sheegay Radio Dalsan in sidoo kale ay Gacanta ku dhigeen Nin waxyaabahaas hayay,isla markaana ay baaritaan ku hayaan.

sikastaba ha ahaatee majirto cid ilaa iyo haataan ka hadashay howlgalka lagu soo qabtay ruuxan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!