Ciidamada Booliiska oo soo qabtay nin lagu eedeyay inuu dil ka geeystay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Yaaqshiid ayaa xalay gacanta ku soo dhigay nin gacan kudhiigle ah oo la baadi goobayey.

Ninkan booliiska soo qabteen oo lagu magacaabo Yuusuf Axmed Maxamuud ayaa ku eedeysan inuu dilay Marxuum  Maxamed Daahir Cabdulle.

Ciidanka Booliiska ayaa baaris dheeraad ah ku wada sababta uu ninkan dilka u geystey iyo cadeymaha arrintaas lka xiriira waxayna booliiska sheegeen in ninkan baaris kaddib u gudbin doonaan heyadaha cadaalada.