Sida ay sheegayaan Ilo lagu kalsoon yahay, Ciidamada deegaanka ee beesha Dhulbahante ee ka dagaalamaya magaalada Laascanood ayaa waxa berito soo gaari doono hubka culus ee meelaha fog wax ka dila.
Waxa kale oo u imaan doona diyaarada aan dadka wadin ee loo yaqaano Drones, noocooda fudud. Drones ayaa nooca Sahanka oo kali ah.
Ciimadamada Somaliland oo meelo fog ka soo rida hobiyayaasha iyo Madaafiicda goobta ayaa markii u horeeyaysay waxa soo gaari doono Madaafiic laga soo riday ilaa 15 kiiloomiter. Arintaan ayaana wax ka badali doonta jawiga dagaalka iyo awooda sareeynta ciidanka Somaliland.
Hubka ayaa la shegeyaa inuu ka yimid dalka Itoobiya iyo dowlad goboleedka Puntland. Somaliland ayaa ku qasban in wax ka badasho xeeladeeda dagaal.