Ciidamada Asluubta Soomaalia oo Rasaas xoogan ku furay Gaari uu saarnaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Gaari uu watay Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaalia oo lagu Magacaabo Xildhibaan Cabdicasiis Cilmi Cali ayaa waxaa Maanta Rasaas aad u xoogan ku furay Ciidamo katirsan Asluubta Soomaalia Gaariga uu Saarnaa Xildhibaanku ayaa Marka rasaasta la hubinaanyay waxa uu marayay Agagaarka Xabsiga Dhexe ee Xamara.

Xildhibaanka oo nala hadlay ayaa waxa uu  inoo xaqeejiyay in rasaastaa lagu furay gaarigiisa ay Burbur xoogan u gaysatay sababta loo xabadeeyay ayuu inoo sheegay  in uu san garanaynin.

Marjirto Khasaare ay gaysatay rasaastaa Marka lagareebo Burburka Gaariga soo gaaray Xildhibaankaa Gaarigiisa larasaaseeyay ayaa waxa uu katirsan yahay Golaha Shacabka Soomaalia Mana jirto ilaa iyo hada hadal kasoo baxay Asluubta Soomaalia oo ku aadan rasaastii lagu furay Xildhibaankaa katirsan Golaha Shacabka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!