Ciidamada Amnigga oo Toogtay Rag Bastoolado ku Hubeeysnaa!!

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay halkaasi ku toogteen labo ruux.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley sidda ay MOL u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Labada ruux ee ay dileen ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay hubeysnaayeen ,islamarkaana ay diideen in ay hubka dhiggaan siddaasna lagu dilay.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in Kooxaha hubeysan ay dhac ka waddeen Xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley.

Sidoo kale waxaa uu sheegay ruuxaasi ka midka ah dadka degaanka in iska horimaad uu dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Kooxaha hubeysan ka hor inta aan la dilin.