Ciidamada Amniga Puntland oo la wareegay ilaalinta wafuuda oo ay ku jirto DFS (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maanta ku soo qulqulaya Magaalada Garowe wafuud ka kala socota dhamaan dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Fedaraalka. Waxaa kaloo ayagana halkaas tagay wafdi ka socda mucaaradka Doowlada oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka soo martay.

Amaanka Wafdiga maanta tagay Garowe ayaa waxaa la wareegay oo sugaya ciidanka amaanka ee Puntland ee loo yaqaan PS. Dhamaan wafuuuda imaanaysa Garowe oo ay ku jiraan wafdiga ka socda dowlada Fedaraalka ayaa lagu armay in ay ciidankooda ilaalada kaga soo tagaan goob ku dhaw garoondka diyaardaha ee Janaraal Maxamed Abshir.

Dhaka kale Madaxweyne Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmad Madoobe kali ah ayaa si gaar ah loogu ogolaaday in u ciidankiisa gaarka ah la soo galo magaalada Garowe dhexdeeda. Arintaan ayaa waxaan shaki ku jirin in bahlin ku noqon doonto Madaxweyne  Farmaajo oo in mudo ah codsanayay in uu ciidan gaar ah la yimaado magaalada Garowe kuwaas oo la wareegayo goobta xaflada ka dhacayso.