Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay xalay isku fidiyeen ciidamada Booliska Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafado ay ka mid tahay xaafada Ciise Cabadi, halkaas oo goob fagaare ah la’isugu keenay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood ay ciidamadu horey u kaxeyseen, si ay u weydiiyaan su’aallo dheeraad ah.
Ujeedka howlgalka ayaa ahaa lab weji mid lagu xaiijinayay amniga iyo la dagaallanka waxyaabaha maanka dooriya oo muddooyinkii dambeeyay ay la damaaeyso dowladdu.
Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay howlgalka sii wadi doonaan, ayaga oo shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago amni darrada.
Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ee ay mararka qaar weeraro iyo dilal ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo haatan wajahaya culeys xoogan.
Howlgalladan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada dowladda Soomaaliya ka wado magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, burcadda iyo ciyaal-weerada.
Howlahan amniga lagu sugaayo ayaa waxaa hogaanka u haya ciidankii dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo la dajiyay goobo kamida magaalada Muqdisho.