Ciidamada amniga oo qarxiyay Miino iyo RW Kheyre oo lala damacsanaa

Reading Time: < 1 minute

Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Hotel Maa’ida Ex Naasa-hablood2 ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino  dhulka lagu aasay, meel ku dhow Hotel Maa’ida Ex Naasa-hablood2, waxaana qarxiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soonaaliya.

Kahor inta aan la qarxin qaraxa ayaa waxaa dhammaan dhismayaashii ku yaalla halkaas laga saaray dadkii ku jiray, waxaana Ciidanka ay xireen Waddooyinka soo galaya iyo kuwa kabaxa Hotelka Maa’ida.

Ilo xog ogaal ah  ayaa Shabakdda Almareeg u xaqiijiyay in qaraxaas lala damacsanaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo doonayay in Maanta Shir Jaraa’id uu ku qabto Hotel Maa’ida Ex Naasa-hablood2 ee Magaalada Muqdisho.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!