Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowlad Gaobeedka Galmudug ayaa xalay howlgalo saacado qaatay ka sameeyeen gudaha Magaalada Gaalkacyo, qaybta Galmudug. Ciidamada Howlagalka qaday ayaa waxaa baaritaano lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka Magaalada, waxaana Ciidanka ay su’aalo la xiriira amniga weydiinayeen dadka saaran gaadiidka.
Dhanka kale, Gaashaanle Maxamed Mire oo ah Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug iyo Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Kaptan Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga, isla markaana looga hortegayay falalka amni darro iyo maandooriyaha Khamriga.
Taliska ciidanka Galmudug ayaa bulshada Magaalada Gaalkacyo ku guubaabiyay inay Ciidamada kala shaqeeyaan ka hortega arrimaha amniga lid ku ah iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha Khamriga ama isticmaala.