Ciidamada amniga ayaa ku guuleestay in ay soo afjaraan kooxdii weerarka ku qaaday hotelka Villa Rossa

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada amniga ayaa ku guuleestay in ay soo afjaraan kooxdii weerarka ku qaaday hotelka Villa Rossa, iyadoo dhaamaan la toogtay khawaarijtii weerarka qaaday.

waxaa si buuxda hada Amniga hotelka gacanta ugu haya Ciimada amniga sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha amniga ee howlgalka qeybta ka ah.

Dhammaan dadkii ku sugnaa hotelka la weeraray iyo goobaha ka ag-dhawaa ayay ciidamadu soo badbaadiyeen iyagoo nabad qaba, sida laamaha ammaanku caddeeyeen.

Waxaa jira Khasaaro u badan askarta Hotelka ilaalinaysay kuwaasi oo uu haleelay Qaraxii ugu horeeyay.