Ciidamada Ammaanka oo weli la dagaalamaya kooxdii weerartay Hoteel Villa Rose

Reading Time: < 1 minute

Rasaas ayaa weli laga maqlaya gudaha Hoteel Villa Rose oo xalay fiidkii kooxo hubeysan ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen.

Weerarka ayaa socda muddo saacado ah, waxaana la soo warinaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hoteelka oo aan ka fogeyn kontrolka dhinaca Boondheere ee laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa deggana Madax ka tirsan Dowladda Federaalka.

Ciidamada Dowladda ayaa weli la dagaalamaya kooxdii weerarka ku qaaday Hoteelka, iyada oo la maqlayo rasaas teel teel ah.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.