Ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay Khabiir ka tirsanaa Al-Shabaab September 28, 2018

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada ammaanka ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Gacanta kusoo dhigay Khabiir Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhanka Miinooyinka iyo Qaraxyada, xilli uu ku dhuumaaleysanayay agagaarka Ex-koontarool Af-gooye.

Howl-galkan oo ahaa mid Qorsheysan Saacadana qaatay ayaa u dhacay si taxaddar leh Habeen hore, waxanay saraakiisha Ciidamada ammaanku sheegeen inuu kusoo gabagaboobay si nabad gelyo ah oo aysan cidi wax ku noqon.

Hay’adda nabad sugidda iyo sir-doonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo boggeeda ay Twetter-ka ku leedahay soo dhigtay warkan ku aaddan howl-galka. ayaa Shacabka ka codsatay inay si taxaddar leh ula shaqeeyaan, si looga hor tago cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

Xigasho sonna