Apr 1 (Jowhar.com) – AMISOM, ayaa sheegtay inay baaris guud ay ku samayn doonaan gudaha garoonka Aadan Cadde sidaas darteedna ay xakamayn doonaan isku socodka guud ahaan garoonka.
Garoonka, Waxaa loo ogolaan doonaa oo kaliye dadka safraya iyadoo dhammaan dadka kale aysan gudaha u geli doonin garoonka diyaaradaha. Maalmihii la soo dhaafay garoonka waxaa ka jirtay cabsi tan iyo weerarkii Alshabaab ay ka geysteen gudaha garoonka.
Toddobaadkii hore ayaa dabley hubeysan gudaha u galeen qeyb ka mid ah garoonka diyaaradaha iyagoo ku diley dad isugu jira Soomaali iyo ajaaniib.