Ciidamada AMISOM oo lala’eegtay qarax culus

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Uganda oo Qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxaas oo saacadihii lasoo dhaafay dhacay ayaa waxaa uu ahaa miino nooca dhulka la geliyay, waxaana kolonyada ay la socdeen Ciidanka AMSIOM lagula eegtay xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Shalaambood.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxas, waxaana halkaas ku geeriyooday laba Askari oo kamid ah Ciidanka AMSIOM, halka dhaawacyo ay gaareen Askar kale.

Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay la beegsadeen Ciidanka AMISOM, iyagoona laba Askari ee dhintay ku sheegay inay ahaayeen miina baarayaal, xilligii Qaraxa lala beegsanayayna ku howlanaa inay wadada ka saaraan miino lagu aasay.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo kala duwan oo geystay la eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda, waxaana qaraxyadaas ka dhashay Khasaaro kala duwan.