Ciidamada AMISOM oo ka guuraya saldhig weeyn oo ay Muqdisho ku lahaayeen (Ogoow sababta)

Reading Time: < 1 minute

Madaxa Hoggaanka howl-gelinta Taliska Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa  kormeer Indho-indheen ah ku tagay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee Jaalle Siyaad, Halkaasi oo Fariisin Ciidan u ah Ciidamada AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay dhawaan in ay ka bixi doonto  Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana Saraakiisha kormeeray Xaruntaasi ay AMISOM kala hadleen siddii  loo dejin lahaa qorshaha Ciidanka Nabad Ilaalinta ah ay uga bixi lahaayeen Kuliyadda.

Saraakiisha ka socda Ciidanka Xoogga ee uu hoggaaminayey Madaxa Hogaanka Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gudaha Kuliyadda Jaalle Siyaad kulan kula qaatay Madaxa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Hogaanka Howlgalinta Ciidanka dowladda S/guuto Maxamed Sheikh Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wakiilka  Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ay kala hadleen siddii Ciidamada AMISOM ay uga bixi lahaayeen Kuliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho, si dib u dayactir loogu sameeyo.

Danjire Francisco Madeira Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa sheegay in Horraanta Sanadka soo socda ee 2019 ay ciidamada AMISOM ay ka bixi doonaan Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana Amniga Xaruntaasi ay ku wareejinayaan Ciidanka Xoogga dalka, si dib loogu soo celiyo howlahii muhiimka ahaa ee xaruntaasi.