Ciidamada AMISOM oo howlgalo lagu sugayo Amniga ka bilaabay Baladweyne

Wararkii ka imaanaya magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in lagu arkayo magaalada dhaqdhaaqa Ciidamada AMISOM ugu dambeeyey ee ka imaanayo Magaalada.

Ciidamadaas ay soo farageliyay xiisadda ka taagan Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa la wareegay amaanka Xafiisyada Maamulka Gobolka Hiiraan oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyahii xilka laga qaaday Yuusuf axmed Hagar Dabageed kaasoo diiday inuu xilka wareejiyo.

Albaabka hore ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu arkayaa Ciidamada Jabuuti oo wata gaadiidka dagaalka.

Wali waxaa Magaalada Baledweyne ka jirta Xiisadii ka dhalatay xil ka qaadidii uu Madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyay Gudoomiyahii hore  gobolka hiiraan  Yuusuf

Xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo diiday xil ka qaadista, waxaana ciidamo taabacsan ay ka wadaan gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyne dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan  Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow, kaasoo lagu dilay iska hor imaad ka dhacay Kala Beyr.

Cali Guudlaawe ayaa ku amray Ciidamada Amniga inay gacanta ku soo dhigaa cidii ka dambeysay dilka Taliyaha, sharcigana la soo taago.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan inay ka qeyb qaataan howlaha nabadeynta iyo waxyaabaha ka hor imaanaya hanaanka dowliga ah.

Advertisements