Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya oo laga helay cudurka CoronaVirus

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya hoganka Ciidanka AMISOM ayaa sheegaya in Askar ka tirsan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan Soomaaliya  laga helay cudurka Coronavirus. Askarigan ayaa noqday kii ugu horeeyey oo ka tirsan AMISOM oo laga helay cudurka COVID-19, waxuuna u dhashay dalka Uganda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan AMISOM.

Waxaa la sheegayaa in Askartaan  ka howlgalayey dekedda magaalada Muqdisho oo dhaq-dhaqaaqeedu badan yahay. Sida aan ku helnay xogta askarigan kama bixin Soomaaliya mudo lix bilood ah, waxaana la aaminsan yahay in cudurkaas uu ku dhacay intii uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan  AMISOM ook gaabsaday  in magacooda la sheego ayaa intaasi ku daray in howlagalka AMISOM uu qaaday tallaabooyin caafimaad oo looga hor tegayo cudurka Coronavirus. AMISOM ayaa xarumaha ciidamadeeda ka dhaqangelisay wacyigelin joogto ah, goobo karaantiil iyo goobo lagu faraxasho, si loo dhowro badqabka ciidanka.

Ilaa hadda waxaa Soomaaliya  laga diiwaan-geliyey 528 kiis oo COVID-19 ah, dhimashada ayaa gaartay 28 qof, halka 19 qof oo kalena ay kasoo bogsatay, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka.